SAN DIEGO – Guddiga Waxbarashadda ee Degmada San Diego waxay dadweynaha ka rabtaa inay wixii talooyin ah ay soo jeediyaan, maadaama dhibaatada dhaqaale ee ka jirta dawlada-goboleedka California ay keentay in miisaaniyadii waxbarasho la dhimo.
Guddoomiyaha dawlad-goboleedka California ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday inay miisaniyadii $4.5 bilyan oo doolar iska dhimeyso. Dugsiyada San Diego Unified School District waxay taas ka dhigan tahay in sannad-dugsiyeedka 2008-09 laga jari doono lacag dhan inta u dhexeysa $78 malyan iyo $80 malyan.
“ Dhibaatadan dhaqaale waxay sababeysaa inaan lacagtii aan waxbarashadda ku bixin jirey dib u fiirino, si aan isu weydiino waxyaabaha tayada waxabarashadda carruurteenna muhimka u ah,” sidaa waxaa tidhi Katherine Nakamura, Guddoomiyaha Guddiga Waxbarashadda. “Waxaan shaqaalaheenna, ardeydeenna, qoysaskeenna iyo jaaliyadaba ka codsaneynaa inay fikradooda ka soo dhiibtaan sidii aan kharashyada ku yareyn lahayn, isla mar ahaantaasna, aynu dakhliga ku kordhin lahayn.”
Guddiga waxbarashaddu wuxuu shirarka soo socda ka doodi doonaa miisaaniyada sannad-dugsiyeedkan iyo weliba qorsheynta miisaaniyada sannad-dugsiyeedka soo socda.
Jadwalka shirarkaas Guddiga Waxabarashadda ee Degmada ee miisaaniyada ku saabsan waxaa la qaban doonaa saacadaha iyo taariikhahan hoos ku qoran:
- Jimcaha, Febraayo 22, 2008 – duhurkii ilaa iyo 3:00 galabnimo
- Isniinta iyo Talaada, Febraayo 25 iyo 26, 2008 – 8 subaxnimo ilaa iyo 5 galabnimo
- Jimcaha, Maarso 7, 2008 - 8 subaxnimo ilaa iyo 5 galabnimo
Xubnaha ka tirsan dadweynaha waxaa lagu dhiirigelineyaa inay talooyinkooda ku soo dhiibtaan khadka shabakada Internetka www.sandi.net/budget, ee bogga “About the Budget”. Boggaas waxaa ku yaala warbixinada ku saabsan sida hada wax loo kharash gareeyo, iyo weliba nuqulada ku saabsan dikoomentiyada miisaaniyada. Waxaad gujisaa khaanada ay ku qoran tahay “Submit an Idea” si aad talooyikaaga u soo dhiibatid. Talooyin boqolaal gaadheyaa ayaa ilaa iyo hada la helay.
Waraaqaha waa la aqbaleyaa. Fadlan waxaad ku soo hagaajisaan : Board of Education, 4100 Normal Street, San Diego, CA 92103

