News
News Release:
Message from the Superintendent (Somali)
October 23, 2007
Hagaag Qoysaska Dugsiyada San Diegow. Madaxa Waxbarashada Dugsiyada Mudane Carl Cohn ayaa wuxuu aad uga tiiraanyeysan yahay waxyeelada ballaadhan ee waalidiinta ardeyda dugsiyada San Diegoka soo gaadhay dabkii magaalada ka kacay. Maadaama xaalada qallafsan ay inala soo gudboonaatey, toddobaadkan inta ka hadhay dugsiyadu wey xidhnaan doonaan. Annegoo hadba xaalada sida ay noqoto u kuurgaleyna, waxaan idin la socodsiin doonaa wakhtiga dugsiyada dib loo fureyo. Shan xarumood oo carruurta lagu hayo ayaa xaalada deg degga ah darteed dib loogu furi doonaa. Wixii warbixin ah waxaad ka heli kartaan shabakada Internetka ee degmada oo ah www.sandi.net, Waxaa la rakibay telefoon khaas ah oo kaaga jawaabi doona wixii su’aalo ah ee aad qabtid, kaas oo ah
(619) 725-8140.
Dugsiyada San Diego iyo Ururka Waxbarashadda ee San Diego waxay si wadajir ah uga wada shaqeynayaan sidii ay u caawin lahaayeen qoysaska carruurta haysta ee ku jirta Geggida Ciyaaraha ee Qualcomm Stadium iyo Dugsiga Sare ee Mira Mesa. Buuggaag, iyo qalabka farshaxanka iyo macallimiin iskaa-wax-u-qabso ku shaqeyso ayaa loo baahan yahay. Haddii aad rabtid inaad caawimaad geysatid, waxaad soo wacdaa Ururka Waxbarashadda ee San Diego oo telefoon nambarkiisu yahay
(619) 283-4411.
Muhimadeyada koowaad waa nabadgelyada iyo badbaadada ardeyda iyo shaqaalaha. Fadlan carruurta waxaad ku haysaan guriga dhexdiisa, waxaadna yareysaan wakhtiyada ay bannaanka ku ciyaaraan.
Mahadsanidin,
Superintendent Carl Cohn
