News
News Release:
San Diego Unified School District Update (Somali)

October 24, 2007

SAN DIEGO – Wararkii ugu dambeeyey ee dabkii kacay iyo dugsiyada San Diego Unified School District.

Macallimiinta Iskaa-wax-u-qabso ku shaqeysa: Ururka Waxbarashadda San Diego iyo Waxbarashadda Dugsiyada degmada ayaa waxay si wadajr ah u kafaalo-qaadeen barnaamij ay boqolaal macallin oo iskaa-wax-u-qabso kaga shaqeynayaan maanta iyaga oo tegay geggida ciyaaraha ee loo yeqaano Qualcomm Stadium. Macallimiintaas oo ka kala yimid San Diego oo dhan waxay shaqeynayeen gelin laba saac ah, waxayna ka caawinayeen carruurta guryahoodii ka soo barakacay inay u dhigaan casharada durbaanka iyo ciyaaraha la xidhiidha xuruufta. Kuwa kale waxy qorayeen sheekooyin iyo iyaga oo riijiyeynayey waayo-aragnimadii ay ka dhaxleen dabkii dhawrkii maalmood ee ina soo dhaafay kacsanaa. Shirkadaha ay ku jiraan Office Depot iyo Lakeshore Learning Materials waxay carruurta ugu deeqeen qalab ay ku ciyaaraan. Macallimiintu waxay qorsheynayaan inay soo laabtaan maalinta Arbacada ah saacadaha 9 subaxnimo ilaa iyo 5 galabnimo. Wixii faahfaahin ah waxaad ka heli kartaa, adiga oo halkan gujiya informational handout .

Basas waa la siineyaa: Dhawr dersin oo basas ah ayaa dadka qixineya. Goobaha laga qaxayo waxaa lagu arkeyaa basas leh midabka huruudda khafiifka ah leh – oo ay ku jiraan kuwo dadka curyaamiinta ah loogu talagalay. Codsi ka yimid maamulka magaalada San Diego waxaa inta badan basakaas lagu qaadeyaa dadka waaweyn sii loo geeyo meel ay ku nabadgalaan.

Dhacdooyinka la Baajiyey: IIlaa iyo maalinta Axada ah ee ay bisha Oktoobar 28 tahay waxaa la baajiyey ama dib loo dhigey dhacdooyinkii la sameyn jirey marka dugsiga laga baxo kedib, sida feestada Halloween, carwooyinka xilliga dayrta iyo ciyaaraha fududba.

Dugsiga lama Imaaneyo laakiin Waxbarashadu wey Socotaa: Waalidiintu waxay macluumaad badan oo waxbarasho ka heli karaan shabakadaha Internetke ee waxbarashadda degmada taas oo u fududeynaysa inay waxbarashadooda sii wataan.
English: Elementary | Secondary

Waxyeelo Ma Jirto: Ilaa iyo hada wax waxyeelo ah oo gaadhay dugsiyada iyo dhismeyaasha waxbarashadda oo la soo wariyey ma jiraan.

Dugsiyadu wey Xidhan yihiin: Dhammaan dhismeyaasha waxbarashadu wey xidhnaan doonaan ilaa iyo Jimcaha. Dib-u-furitaanka dugsiyada gaarka ah waxay ku xidhnaan doonaan hadba xaalada jiiraankooda ka jirta sida ay noqoto, iyo in dugsiga hooy ahaan loo isticmaaleyo iyo in kale.

Carruurta meel lagu Hayo waa la heli karaa: Waxaa jiri doona shan xarumood oo maalinimada carruurtu loogu hayo qoyasaska waxbarashadda degmada, ardeyda iyo shaqaalaha, iyo weli shaqaalaha gargaarka deg degga ah ee caafimaadka, waxayna xarumahaasu furaaneyaan 7 subaxnimo ilaa iyo 6 markhibnimo, taas oo ku xidhan hadba sida loo soo codsado. Dadka carruurtu waa inay u dhexeysaa 2 jir (musqusha iskiis u tegi kara) ilaa iyo 12 jir. Gaadiid ma jiro, laakiin carruurta cunto waa la siineyaa.
  • Salomon CDC (Little Italy/Downtown)
    1789 State Street, San Diego, 92101
    (619) 696.8716
  • Dewey CDC (Point Loma)
    3251 Rosecrans, San Diego, 92110
    (619) 222.6808
  • Fletcher CDC (Serra Mesa/Genesee and 163)
    7666 Bobolink, San Diego, 92117
    (858) 496.8104
  • De Anza CDC (Allied Gardens)
    6525 Estrella Ave., San Diego, 92120
    (619) 583.0994
  • Logan CDC (Logan Heights)
    2875 Oceanview Blvd., San Diego, 92113
    (619) 525.7334
Xarumaha waxaa dadka loogu kala adeegayaa sida ay u soo kal horreeyaan ilaa goobta muggeedu uu buuxsamo; qoysaska waxaa laga codsaneyaa inay soo wacaan in boos lo heli karo iyo in kale inta aysan imaanin. Xarumaha carruurta lagu haynayo waa kuwan:
  • Salomon CDC (Little Italy/Downtown)
    1789 State Street, San Diego, 92101
    (619) 696.8716
  • Dewey CDC (Point Loma)
    3251 Rosecrans, San Diego, 92110
    (619) 222.6808
  • Fletcher CDC (Serra Mesa/Genesee and 163)
    7666 Bobolink, San Diego, 92117
    (858) 496.8104
  • De Anza CDC (Allied Gardens)
    6525 Estrella Ave., San Diego, 92120
    (619) 583.0994
  • Logan CDC (Logan Heights)
    2875 Oceanview Blvd., San Diego, 92113
    (619) 525.7334
Khadka telefoonka Xaaladaha Deg degga ah: Dugsiyada San Diego Unified waxay sameeyeen khadka telefoonka xaaladaha deg degga oo ah (619) 725-8140, si ay uga jawaabaan su’aalaha ay qabaan waalidiinta iyo shaqaalaha. Waxaa saacadaha 7 subaxnimo ilaa iyo 5 galabnimo la heli karaa dad telefoonada kaga jawaaba afafka Ingiriisiga iyo Isbaanishka. Wixii aan waxbarashada degmada khuseyn, ama ama aan xaalad deg deg ahayn, ee la xidhiidh dabka kacay waxaad si toos ah u wici kartaan telefoonkan ah 211 ama (619) 570-1070. Warbixinada ku saabsan jidadka ama wadooyinka xidhan waxaad ka heli kartaan idinka oo waca 511.